Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Weerar Ay Al-shabaab Ku Qaadeen Ka Badbaaday
Muqdisho,12Nov,2015(QJ/SDN)-Ururka Alshabaab ayaa sheegay in ay shalay galab laba weerar ku qaadeen laba baabuur oo uu la socday madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo marayay wadada u dhagaysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye.
Laba qarax oo midkood loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay halka ka kalana uu ahaa Miino wadada dhinaceeda la dhigay.
Xarakada Al-shabaab ayaa waxa ay sheegtay in ay khasaare u gaysteen ilaalada Shariif Xasan.
Hase ahaatee, ma jiraan warar madax banana oo arrintaasi xaqiijinaya.
Si kastaba ha ahaatee, Waa weerarkii labaad oo sanadkan gudihiisa Shariif Xasan lagu qaado, iyadoo wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye loo galay.