Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Ka Badbaaday Mooshin Maamuus Ka Xayuubin Ah
Ceptown (QJ/SDN) – Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa dirqi kaga badbaaday mooshin xil ka qaadis ah oo ay ka keeneen xildhibaanada Mucaaridka, kadib markii Madaxweynaha lagu helay danbi ah musuq maasuq oo ah lacag uu ku dhistay guri uu si gaar ah u leeyahay.
Inta badan xildhibaanada xisbiga Madaxweynaha ee ANC ayaa codkooda ku taageeray Madaxweynaha, wuxuuna helay codka xildhibaano gaadhaya 233 halka ay 143 xildhibaan soo dhaweeyeen in xilka laga qaado Madaxweynaha.
Lacagtan loo heysto inuu xaday Madaxweynaha ayaa gaadheysa $16 milyan oo dollar la sheegay inuu Jacob Zuma ku dayactirtay Guriga uu ku leeyahay magaalada Nkandla ee gobalka KwaZulu-Natal.
Zuma ayaa hore u diiday baaq uga yimid Hanti Dhowrka guud ee Koonfur Afrika, arrintaasi oo keentay in dacwadan loo gudbiyo maxkamada Sare oo khamiistii isku raacday in Jacob Zuma uu jabiyey Dastuurka dalkaasi markuu ka dhego adaygay amarkii uga yimid Hanti Dhowrka.
Jacob Zuma ayaa sheegay inaanu si ula kac ah u isticmaalin lacagta Qaranka, balse uu bixin doono lacagtaasi lagu heysto. Maxkamada Sare ayaa u qabatay Madaxweynaha muddo 105 maalmood ah inuu dhaqaalahaasi kusoo celiyo.