|

Madaxweynaha Koonfur Africa oo Shacabka Dalkaasi ugu Baaqay in ay u Duceeyaan Nelson Mandela

Johansberg June 25,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Konfur Africa Jacob Zuma ayaa shacbiga dalkaasi ugu baaqay in ay u duceeyaan madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela oo xaaladiisa caafimaad aa looga deyrinayo.

Jacob Zuma oo xalay saqdii dhexe ku booqday Mandela cusbitaalka uu ku jiro ayaa sheegay in xaalada madaxweyne Mandela ay haatan tahay khatar.

Zuma waxase uu sheegay in dhakhaatiirta dabiibeysa Mandela ay qabanayaan wax walba oo suurto gal ah oo lagu badbaadinayo.

Waxa la arkayay ehelka Mandela oo cusbitaalka uu ku jiro ku qulqulaya si ay saacadaha u danbeeya ee aabaha Konfur Africa ay ula qaataan.

Mandela ayaa todobaadyadii u danbeeyay xaaladiisa caafimaad ay aheyd mid sii liidaneysa ka dib kolkii uu soo wejahay Xanuun haleelay sanbabkiisa.

Nelson Mandela ayaa ah ruuxa ugu caansan ee qaarada Africa taas oo uu ku kasbaday halgan dheer oo uu la galay nidaamkii midab takoorka ee ka jiray Konfur Africa.

SDN-Pretoria
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed