|

Madaxweynaha Kilinka Shanaad:“Tigreegu ogaadeen maanta wuxuu ka jecel yahay ma jiro, ee Ogaadeenkii uun baa xabad gawdaa kaga siinaya uun”

Jig Jiga May 11,2013(SDN)-Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiyaa ayaa mar uu kulan la qaadanayay Odeyo ay isku heyb yihiin oo uu doonayay in uu ku qanciyo in ay Dawlada Dhexe ee Itoobiya la shaqeeyaan waxa uu ku hadlay ereyo sawir ka bixinaya hogaankiisa.

Madaxweyne Cabdi Maxamed Iley ayaa Odeyada u sheegay in Qowmiyada Tigreega ee xukunka dalkaa gacanta ku heysaahi dooneyso in Beesha uu ka soo jeedo soo dhaweysato.

Hadalada Madaxweyne Cabdi Iley waxa ka mid ahaa “Tigreegu ogaadeen maanta wuxuu ka jecel yahay ma jiro, ee Ogaadeenkii uun baa xabad gawdaa kaga siinaya uun, laakiin wuxuu maanta Tigreegu ka jecel yahay ogaadeen ma jiro.

Wuxuu is lahaa ku-xigeen intaad ka dhigato wadanka ha kula hogaamiyo oo Addis ababa ha kula qabto oo ma ogola in Amxaaradii shalay dib ugu soo noqoto, oo wuxuu islahaa Ogaadeenkan baa kuu noqon garab, isagiina dab buu na galiyay buu yidhi.

Arrintaa halkaa ina dhigtay waa Amxaaraa tihiin . hada ninka Somaliga ahi marka uu Addis ababa tago Tigreega uun buu hoosta ka gali arxan kaasaa ugu dhaw waar ka daaya Tigree uun baa jiri cid tidhaahda”ayuu hadalka ku soo gunaanaday.

Beesha Madaxweynaha ayaa dhibaatooyin faro badan oo xasuuq kufsi iyo godoomin ay ka mid yihiin ku eedeeyay dawlada Itoobiya iyo ta uu madaxa ka yahayba.

Waana arin la yaab leh in uu isla beeshaasi u sheego”Tigreegu waa uu idin jecelyahay”.

SDN-Jig Jiga

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed