|

Madaxweynaha Kiinya oo heshiisiinaya Xasan Sheekh iyo Abey Axmed

Caruusha November 30, 2024(QJ) – Hogaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayaa qorsheynaya in ay kulmaan si loo yareeyo xiisadaha ka taagan gobolka Geeska Afrika ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Isagoo ka hadlayay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania ayuu Ruto hadalkan ka sheegay isagoo ah guddoomiyaha cusub ee ururka bulshada Bariga Afrika intii uu socday shirkii caadiga ahaa ee 24-aad ee madaxda dalalka xubnaha ka ah.

Ruto ma uusan cayimin xiliga uu dhacayo kulanka la qorsheeyay. Haddii la xaqiijiyo waxa uu noqonayaa shirkii u horeeyay ee toos ah oo dhex mara madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya tan iyo markii ay Addis Ababa heshiis is afgarad ah oo Somaliland la saxeexday January 1, 2024, kaas oo aan wali dhaqan gelin.

Madaxda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in aysan jirin kulan toos ah oo ay la yeelanayaan madaxda Itoobiya, haddii aan la baabi’in heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la galeen Somaliland, kaasoo dhigayay in la is dhaafsado badda iyo aqoonsiga labada dhinac.

Comments are closed