Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Ku Guulaystay Doorashadii Dalkaasi ka Dhacday Iyo Nuxurka Khudbad uu Shacabkiisa u Jeediyey DAAWO
Nairobi 12. August 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha dalka Kiiniya Mr: Uhuru Kenyatta oo markii labaad ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka qabsoontay bishan sideedii ayaa markii u horaysay khudbad gaaban oo inta badan mahad naq ah u jeediyey dadweynaha dalkaasi gaar ahaan taageerayaashiisa.
Hase ahaatee, Uhuru Kenyatta waxa uu khudbadiisa ku xusay in uu madaxweyne u yahay dalka Kiiniya oo dhan oo ka kooban mid u codeeyey iyo mid aan u codayn, taas oo loo baahan yahay in waqtigan laga shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka, isla markaana la ilaawo xamaasadii iyo dacaayadii ololaha.
Geesta kale, Mr: Uhuru Kenyatta waxa uu ka dalbaday saraakiisha mucaaridka in ay kulan yeeshaan, isagoo xusay in uu gacan u fidinayo si ay uga wado shaqeeyaan midnimada iyo amniga dalka, inkastoo ay saraakiisha mucaaridku ku dhawaaqeen in ayna aqoonsanayn madaxtinimada Uhuuru ee ay tahay mid ku shbasho ku timid.