Madaxweynaha Kenya Oo Muuqaal(Video) ahaan Uga Qaybgeli Doona Dacwadda Kaga Socota Hague
Nairobi:Sep,23,2014(SDN/QJ)-Madaxweynah Kenya oo la daalaa dhacaya dacwadda kaga socota magaalada The Hauge ee dalka Holand, ayaa loo ogolaaday inuu isagoo dalkiisa jooga Khadka Video-ga kaga qaybgalo dhegaysiga dacwaddaas.
Bayaan ka soo baxay Maxkamadda Dambiyada dagaalka ayaa lagu sheegay in qareenada madaxweyne Kenyatta ay ka dalban karaan garsooriyaasha ICC-da in madaxweynaha uu qaab linkis Video ah uga qayb galo kulankaasi.
Codsigaasi kadib ayaa la sheegay in Golaha garsooriyasha ICC-da ay go’aan ka gaadhi doonaan.
Jimcihii ayay ahayd markii Garooriyaasha ICC-da ay so saareen amar ahaa in madaxweynaha dalkani kenya laga doonayo in uu goob joog ka ahaado kulan oo ka dhici doona 8 October Magaalada Heeg.
Kulankaasi ayaa waxaa looga hadali doona wadashaqaynta ka dhaxeysa dowladda dalkani kenya iyo maxkamadad dambiyada dagaalka.
Madaxweyne Kenyata iyo ku-xigeenkiisa, ayaa labada waxa loo Haystaa dacwado ka dhan ah bani’aadannimada, waxana ay marar badan gaadheen dalka Holland si ay goob-joogayaal uga ahaadaan arrimaha loo Haysto.
SDN/QJ