Madaxweynaha Kenya oo Kulan la Qaatay Ganacsatada Somalida ee Xaafada Eastleigh
Nairobi 29.March 2014 (SDN)- Madaxweynhaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada Soomaalida ee ku nool xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.
Sida uu ku qoray boggiisa barta xiriirka bulshada ee Facebook, Uhuru ayaa sheegay in ganacsatada uu kala hadlay wax ka qabashada arrimaha ammmaanka ee Kenya, wuxuuna xusay inay ku heshiiyeen inay ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada ay kaalin muhiim ah ka qaataan la dagaallanka argagaxisada ee Kenya.
Uhuru ayaa sheegay inay waajib tahay in la joojiyo weerarrada argagixiso ee lagu bar-tilmaameedsanayo dadka aan waxba galabsan ee Kenyanka ah.
Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in la isku raacay in hoggaanka sare ee waaxyaha ammaanka Kenya ay sameeyaan guddi ay ku jiraan gaancsatada, dhallinyarada, dumarka iyo hoggaamiyeyaasha diinta ee Soomaalida Kenya, si ay uga qeyb-qaataan hannaanka lagu aqoonsanayo kuwa ku lugta leh fal-dambiyeedyada ka dhaca gudaha Kenya
Nairobi SDN.
Qurbejoog@gmail.com