Madaxweynaha Kenya oo Ku Hanjabay in Hadii Raila Odinga Loo Doorto Madaxweyne inuu Mudo 3 Bilood gudahood ku Waayi doono Kursiga Hogaaminta dalkaasi!!
Nairobi 12. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in haddii Raila Odinga uu ku soo baxo doorashada ku celiska ah ee 17 bisha Oktoobar, in xisbigiisu oo aqlabiyadda baarlamaanka leh uu xilka ka xayuubin doono.
Kenyatta oo khudbad u jeedinayay ergo taageerayaasha xisbiga ah ayaa af Sawaaxili ku yiri “Xitaa haddii la doorto, waxaan haysanaa fursad aan labo ama saddex billood xafiiska kaga erino”.
Madaxweyne Kenyatta ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii 8 Agoosto, laakiin maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday, iyadoo durtay sidii loo arruuriyay natiijadii doorashada.
Hase yeeshee xisbiga NASA ee mucaaradka ah ayaa sheegay in Kenyatta uusan haysanin aqlabiyad ku filan oo uu madaxweyne xilka uga qaado.
Mosas Watangula oo ka tirsan aqalka sare ee Kenya, xubina ka ah NASA ayaa madaxweynaha ku booriyay in uu akhriyo qodobka 145 ee dastuurka Kenya oo dhigaya tirada xildhibaanada loo baahanyahay in xilka looga qaado, taasina uusan haysanin xisbiga Jubilee.
Hadalka madaxweynaha ayaa dad badan ka yaabisay, waxaana loo fasirtay in madaxweynaha uu fahamsanyahay suurtogalnimada in Raila uu ku guulaysto madaxtinimada doorashada ku celiska ah.
Sida uu dhigayo sharciga Kenya madaxweyne talada haya xilka waa laga qaadi karaa haddii loo arko in uusan maskixiyan ama jismiyan u caafimaad qabin oo uusan hawshiisa gudan karin.
Siyaabaha kale ee madaxweynaha xilka looga xayuubin karo waxaa ka mid ah in uu meel kaga dhaco dastuurka, ama haddii la rumaysan yahay in uu madaxweynuhu galay dambi marka loo fiiriyo sharciyada qaran iyo kuwa caalamiga ah.