Madaxweynaha Kenya oo Ilaa Iminka Hogaaminaya Guusha Doorashadii Kenya,Hogaamiyaha Mucaaridka oo Sheegay in la Jabsaday Kuna Hanjabay in beri Wixii ka Danbeeya aanu Xakamayn doonin Taageerayaashiisa & Cabsida Taagan
Nairobi 09. August 2017 (SDN/QJ):-Booliska Dalka Kenya ayaa gaasta dadka kaga ilmaysiisa ku kala kaxeeyey boqolaal dad ah oo ka mid ah taageerayaasha hogaamiyaha mucaaradka Kenya raila odinga, saacado ka bacdi markii uu Mr Odinga ku dhawaaqay in aanay ku qanacsanayn natiijada hordhaca ah ee ay Gudiga doorashooyinku soo saareen.
Mr Rayla odinga iyo musharaxa ku xigeenka u ah Kolonzo Missiyoko ayaa sheegay in la jabsaday server-kii dhexe ee Computer-ada gudiga sare ee doorashooyinka waxana ay ka dalbadeen inay dadku inay is dejiyaan , inkastoo ay intaa raaciyeen inay waxii berri ka dambeeya aanay xakamayn karin dadweynaha, lama huraana ay noqon doonto inay talaabo qaadaan.
illaa haatan waxaa xarunta dhexe ee gudiga doorashooyinka ee Magaalada nairobi soo gaadhay 94% sanaaduuqdii codbixinta waxaana ay goor sii horaysay gudiga doorashooyinku si ku meelgaadh ah u shaaciyeen in Madaxweyne Uhuru Kenyatu uu ku horeeyo doorashada.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegey in natiijada kama dambeysta ah lagu shaacin doono muddo 7 maalmood ah,Waxaanu xusay in natiijooyinka hadda la soo gudbiyey aanay ahayn kuwa rasmi ah, Iyadoo kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtey.
Gudoomiyuhu wuxuu intaas ku daray inay baadhi doonaan waxa ka Jira eedaymaha Ku Shubasho ee uu u soo Jeediyey Hogaamiyaha Mucaaridku.
Cabsi dheeraad ah ayaa laga qabaa inay doorashada ka bacdi isku dhacyo dadweyne bilaabmaan sidii hore dalkaasi uga dhacday doorashadii madaxtinimo ee sanadkii 2007 oo rabshadihii natiijadeedii ka dhashay ay xiligaa ku dhinteen dad gaadhayey ku dhowaad 1200 qof.