|

Madaxweynaha Kenya iyo Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Oo Dhawaan Booqasho ku Tegi Doona Dalka Uganda

Kampala:Aug,05,2015(SDN/QJ)-Madaxweynaha waddanka Kenya, Uhuru Kenyetta iyo Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Hailemaraim Desalegn, ayaa dhawaan Booqan doona Dalka Uganda, kadib markii uu Madaxweyne Museveni marti-qaad u sameeyey.

deselemMadaxweynaha dalka Kiiniya ayaa laga dhawrayaa Kampala Jimacaha soo socda isaga oo khudbad ka jeedin doona baarlamanka dalka Yugandha. Kenyetta ayaa lagu wado in uu casho-sharaf la qaato madaxweynaha Yugandha iyo musuuliyiinta wadankaas.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa isna la filaya in uu Yugaandha gaadho Axada soo socota halkaas oo 3-da masuul shir saddex-geesood ah ku yeealan doonaan.

Wadamadan oo ay ciidamo ka jogaan Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan ayaa ka xaajoon doona sidii labada dal nabad loogu soo dabaali lahaa. Waxaa la filayaa in ay diirada saaraan dardar-galinta dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee Soomaaliya iyo nabadeynta Koonfurta Suudaan.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka doodi doona sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga wadmadooda, gaar ahaan hawlaha amaanka iyo ganacsiga.

Waxaa xusid mudan, in isla sadaxdan masuul ay dhawaan la kulmeen Barack Obama si ay ugala doodaan xaalada dalka Koonfurta Suudaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed