|

Madaxweynaha K.Waqooyi Oo Ka Hadlay Weerarkii Maraykanku Ku Duuqeeyay Dalka Suuriya!

K.Waqooyi 13. April 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Kuuriyada Waqooyi ayaa ka mid noqotay dawladihii ugu danbeeyay ee soo gala loolanka ka taagan Dalka Suuriya, waxaana la sheegay in Dawlada K.waqooyi ay marar hore Hub ku caawisay Nidaamka Madaxweyne Asad ee ka taliya Dalkaasi.

Haddaba, Madaxweynaha K.waqooyi ayaa ku tilmaamay weerarkii uu Maraykanku ku qaaday Dalka Suuriya inuu ahaa mid cadawtinimo oo aan marnaba loo dul qaadin Karin, war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Debada Dalka K.waqooyi ayaa waxa uu sheegay in Dawladu ay had iyo jeer kor u sii qaadayso cududeeda Millatari, si ay iskaga caabiso awoodaha kale oo ay ugu babac dhigto, waxaanu Madaxweynaha Dalkaasi sheegay inuu go’aanka ay dawladiisu qaadatay uu yahay mid sax ah 100%.

Dhinaca kale Labada Madaxweyne ee Kim Jon iyo Bashaar Al-asad oo xidhiidh aad u wanaagsani ka dhexeeyo ayaa arrintani muujinaysaa Taxaalufka daahsoon ee dhexeeya labadan dal.

Comments are closed