|

Madaxweynaha Jubaland oo Ku Sugan Magaalada Afmadow iyo Kulamo uu la Yeeshay Ciidamadiisa iyo kuwa Kenya

Afmadow 10.Aug (SDN) Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo shalay gaaray magaalada Afmadow ayaa halkaasi kula kulmay ciidamada maamulka iyo kuwa Kenya ee deegaankaasi ku sugan.

Madaxda uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa booqasho ku tagay deegaankaasi kadib markii ay dagaalo dhawaan ka dhaceen magaalada Afmadow halkaasi oo ay weerar kusoo qaadeen kooxaha Al Shabaab iyo kuwo ay gacansaar leeyihiin.

Axmed Madoobe oo lagu wado inuu dhawaan dib ugu soo noqdo magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ahmiyada ugu weyn ee xiligan maamulkiisa ka saaran deegaanada ay matalaan ay tahay sdii amniga loo sugi lahaa loona balaarin lahaa la dagaalanka xoogaga Al Shabaab oo weli ku sugan qeybo kamid ah gobalada Jubada Hoose, Gedo iyo Gobalka Jubada Dhexe oo ay gebi ahaan gacanta ku hayaan kooxda Al Shabaab.

 

Afmadow SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed