“Madaxweynaha JSL Ayaa Dhagax Dhigay Baayihiii Aas-aasiga Ahaa Ee Nolosha Oo Ay kamid yihiin Biyaha, caafimaadka,” Wasiir Xisri
Burco,28july,2015(QJ/SDN)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda JSL, MD. Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa ka hadlay Mashaarciid kala duwan oo uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Furay,kana dhagax-dhigay goboladda Barriga Somaliland.
Wasiirka,ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay Bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOK-ga,waxa uu ku yidhi sida tan:“Waxaa maanta (Shlay) Madaxweynaha JSL Mud. Axmed Maxamed Silanyo oo aan ku wehelinayno xubno kamida golaha wasiirada iyo taliyeyaasha ciidanka qaranku safar shaqo ku gaadhnay xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood.
Ujeedada socdaalkan oo daarnaa u kuurgalida xaalada guud ee gobolada bariga iyo hirgalinta mashaariic taabanaya baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha ayuu madaxweynuhu u dhagax dhigay baahiyahii uugu muhiimsanaa oo ay kamid yihiin Biyaha, caafimaadka, nabadgalyada “Saldhigyo boolis” iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo Waddooyinku uugu horeeyaan
Talaabadan ayaa imanaysa kadib markii shacabka ku dhaqan gobolka Sool oo kaashanaya xukuumada ay ku kalsoon yihiin ay dhinac uuga wada jeesteen horumarinta gobolka iyo guud ahaanba dalka.
Waxaa hubaal in nabadu tahay albaabka horumarka iyo horusocodka maanta shacabka ku dhaqan Laascaanood waxay fariin cod dheer uugu direen caalamka in gobolka Sool yahay amni dadkiisuna yihiin kuwo u bisil horusocodka.
Intaas kadib wuxuu Madaxweynaha iyo waftigii uu hogaaminayey booqaasho dardar galin iyo dhiirigalin ah ku gaadhay aaga hore ee fadhiismada ciidanka aan la loodin Karin ee qaranka halkaas oo uu bushaarooyiin iyo hambalyo gaadhsiiyey sidoo kalena xusay in amniga lagu seexdo Alle ka sakow ku jiro raggaas dhaxanta u jiifa dhismaha qarankooda”.
Wa Bilaahi Tawfiiq