Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda, Ergay Somaliland u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Laamaha Xukuumada
Hargaysa 22. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markuu Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;
Markuu Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markuu ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markuu Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey:
In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:
Tir | Magaca | Xilka |
1. | Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin | Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka |
2. | Mustafe Faarax Cali Aadan | Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka |
3. | Muuse Xasan Xaaji Yuusuf | Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada |
4. | Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) | Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada |
5. | Maxamed Cali Bille Guuleed | Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada |
6. | Axmed Xasan Cigaal Sahal | Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya |
7. | Maxamed Warsame Ducaale | Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay |
8. | Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal) | Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya |
9. | Ayaanle Salaad Diiriye | Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kiiniya |
Madaxweynuhu Wuxuu Masuuliyiinta xilka wareejinaya uga Mahadceliyey sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland