|

Madaxweynaha Jabuuti Oo Siweyn Uga Gaabsadey Tacsidii Marxuum Axmed Xasan Cawke, Madaxda Soomaalida Oo Tacsiyeeyay iyo Dareenka Shacbiga Reer Jabuuti ka Bixiyeen

Jabuuti,19Nov,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa, noqdey Masuulka Kaliya ee Soomaali ah ee ka gaabsadey Tacsidii Wariyihii Ruug cadaaga ahaa Marxuum Axmed Xasan Suufi Cilmi(Axmed Xasan-Cawke), oo lagu aasey Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala dhinaca Xuduuda Itoobiya oo hore loo odhan jirey bari samaadkii(Qarxabashi) kadib markii uu habeen hore ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Kililka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynayaasha Dhulka Soomaalidu Degto ee Dowaladaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Kililka Shanaad Cabdi Cumar Illey, Koonfurta Soomaaliya iyo meelo badan oo kale ayaa dhamaantood dhambaal tacsi ah u gudbiyay eheladii qaraabadii iyo Qoyskii Marxuum Axmed Xasan Suufi Cilmi(Axmed Xasan-Cawke), halka aanu Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele aanu Warbaahinta dalkiisa iyo ta Madax banaan iyo ta Caalamiga ah midna ku tacsiyeyn Marxuumka oo ay aqoon shakhsi ah isku lahaayeen mudo badan.

Lagama warqabo in uu uurka wax ugu hayay Marxuum Axmed Xasan Cawke Wariyihii caanka ka ahaa gayiga Soomaalidu degto oo dhan Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele haseyeeshee, Shacbiga Reer Jabuuti oo aad u jeclaa Shakhsiyada Marxuumka ayaa dareen weyn ka qaatey iyagoo jaaliyadaha Qurbaha ku nool ee Reer Jabuuti aragtiyo kooban kaga bixiyeen bogaga ay ku leeyhiin facebook iyo Qeybaha kale ee internetka sida ay uga xun yihiin aamuska Geerida Cawke iyo Madaxweynaha Jabuuti halka ay qaarkood murti ku cabireen dareenkaasi.

Si kasta oo ay tahey, waxa laga filayaa in Madaxweyne Geelle Lamid noqon doono wakhti ay ahaataba in uu tacsi balaadhan ku sagootin doono Marxuum Axmed Xasan Cawke maadaama ay macruufad qadiimiya lahaayeen kana dareen celin doono aragtida Shacbigiisu ka qaateen Xiligan, aamuska Madaxweynahooda ee Tacsida Marxuumkaasi.

 

Comments are closed