Madaxweynaha Jabuuti oo ka seexan waayay fariin uu hawada u mariyay Siyaasiga Xuseen Cadhoole
Jabuuti Jan 08,2012(qurbejoog.com)-Waxa dhawaan lagu faafiyay warbaahinta khudbad uu jeediyay Siyaasiga reer Jabuuti ee Xuseen Cabdiraxman Jaamac Cadhoole oo uu uga waramayay xaalada dalka Jabuuti iyo sida hogaanka dalkaasi gug tagri falo hantida.
Hogaamiyaha Isbaheysiga Isbedelka iyo horumarka Jabuuti Md Xuseen Cadhoole oo ka waramayay xaflad lagu soo dhaweynayay Madaxa ururka xoogaga xuquuqda aadanaha Jabuuti Jean Paul Abdi Noel o booqanayay Canada ayaa ku sheegay khudbadiisa in Jean Paul Abdi Noel uu yahay Nelson Mandelaha Jabuuti
Halka uu Md Xuseen Candhoole ku sheegay madaxweynaha Jabuuti in uu ahaa askeri la shaqeeyay SIyaasigii reer Jabuuti ee Cali Caarif.
Xubnaha mucaaridka Jabuuti ayaa fariintan gaadhsiiyay madaxtooyada Jabuuti iyo xafiisyada qaar ka mid ah masuuliyiinta Jabuuti.
Magaalada Jabuutina waxa si weyn looga hadal hayaa hadalka Taariikhiga ah ee sida geesinimada leh uu siyaasigan da’ada yari ugu dhiiraday.
Halkan Hoose ka daawo fariinta uu Madaxweynaha Jabuuti ka seexan waayay maalmihii u danbeeyay
Qurbejoog-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com