|

Madaxweynaha Jabuuti oo isku deyay in uu is-hortaago Aaska Cabdi Noel

Jabuti April 21,2012(SDN)-Madxweynaha dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa la sheegay in uu ka biyo diiday in madaxii hay’ada Xuquuqul Insaanka Jabuuti Jean Paul Cabdi Noel lagu aaso Jabuuti.

Sida ay noo sheegeen xubno ka Hawlgala Hay’ada Xuquuqul Insaanka Jabuuti oo haatana ku hawlan Aas Qaran oo Marxuumka loo sameeyo Madaxweyne Geelle waxa uu daliil ka dhigtay in Aaska rabshado ay ka dhalan karaan.

Waxase xaalka galay kolkii danbe qaar ka mida safiirada dalalka reer Galbeedka oo ku qanciyay in Marxuumka dalkiisa Hooyo lagu aaso.

Sida ay Masuuliyiinta ku hawlan Aaska Halyey Cabdi Noel noo sheegeen in maanta Marxuumka la keenayo dalka isla markaana la aasi doono.

Halkan kala soco wixii ku soo kordha qodobkan

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed