Madaxweynaha Jabuuti oo Gacalkii Ergo ahaan Hargeysa ugu diray
Jabuuti Dec 08,2011(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa Guddomiyaha Bank dhexe ee Jabuuti Jaamac Maxamuud Xeyd ergo ahaan ugu diray magaalada Hargeysa ka dib kolii ay reer Somaliland ka cadhoodeen wareysi uu dhawaan siiyay jariirada Jeune Afrik.
Guddomiyaha Bank oo ay madaxweynaha ay xidid yihiin ayaa inta badan isagu maareeya xiriirka Jabuuti iyo Somaliland.
Waxaana Jaamac Xeyd uu iminka baraf ku soo qabanayaa xukuumada iyo shacabka reer Somaliland oo ka cadhooday wareysi uu siiyay jariirad Faransiiska ka soo baxda oo uu u sheegay in anu weligii Ictiraafi doonin Somaliland.
Saxaafada Somaliland ayaa beryahan danbe aad u hadal hayay wareysiga madaxweynaha Jabuuti iyada oo mucaaridka Madaxweyne Geelllena ay u waramayeen saxaafada.
Si kastaba ha ahaatee waxa iminka ugu danbeyntii reer Somaliland u soo baxay in madaxweyne Geelle uu in mudo ahba u munaafaqadeynayay.
Somaliland ayaa si toos ah u taageertay xiligii uu madaxweyne Geelle mudada madaxtinimada kororsanayay sanadkii hore.
Qurbejoog-Jabuuti