|

Madaxweynaha Jabuuti Muxuu ka Aaminsan Yahay In Doorashada Madaxtooyada Ee Soo Socotaa Ay Aqoonsi U Horseedi Karto Somaliland ?

Jabuuti 26. July 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sida Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo si wanaagsan u dhacdaa Door uga qaadan karto Madax-banaanideeda oo Beesha Caalamku aqoonsato.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Wareysi lala yeeshay kaga jawaabay Su’aalo badan oo la xidhiidha Gooni isku taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Arrimo kale, ayaa sheegay inaanu garanayn waxa Doorashada Madaxtooyada ee Somaliland ka dhici doontaa kaga duwan tahay kuwii hore uga dhacay iyo Sababta loo leeyahay Doorashada soo socotaa waxay Waddada u xaadhaysaa Aqoonsi Somaliland Hesho, ee Doorashooyinkii hore u keeni waayeen Ictiraaf.

 

Madaxweyne Geelle, oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Hadday Doorasho Madax-banaani Jeexayso horeba Doorashooyin Madaxtooyo way dhici jireen sow maaha? markii u horreysay maaha, maxaa wax cusub ka dhigaya Doorashadan (Mid keenaysa aqoonsiga Somaliland), waa iska caadi.”

 

Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu sheegay inay jiraan Waddooyin loo maro Aqoonsi-raadinta “Ictiraaf Dawladeed weeye waxa meesha ka maqani, markaa waa in Asluubtii la yaqaanay (la maro) oo Dadkii markii hore isku biiray inay wada-hadlaan oo ay kala baxaan, kaasina Nidaam Caalamiya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo ku taliyey “Annagu haddaanu Talo Walaalnimo dhiibno, waxaanu leenahay Dadku sidiisii hore ha isku ahaado. Dhufays baa lagu  jiraa, Bedbaado dad baa lagu jiraa, Dal dhan baa hallowsan, Xilli Derajo la isku qabqabsado lama joogo.”

Comments are closed