|

MADAXWEYNAHA JABUUTI: “Al-Shabaab Dagaalka Lagula Jiro Waa Mid Wakhti Badan Qaatay, Guulo La Taaban Karana Aan Wali Laga Gaadhin,.’’

Jibouti,27Dec,2015(QJ/SDN)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle ayaa markii ugu horraysay xaqiijiyay in ciidamada AMISOM ee soomaaliya ka dagaalamaya aanay ku guulaysan doonin soo afjaridda Al-Shabaab.

Isagoo la hadlayay idaacadda BBC-da ee laga leeyahay wadanka Ingiriiska ayuu sheegay in marka loo eego xoogaysiga islaamiyiinta Afghanistan iyo Ciraaq ay adagtahay in ciidamada AMISOM ka guuleystaan Ururka Al-shabaab.

Wuxuu soo hadal qaaday dagaallada xooggan ee ka socda Koonfurta iyo badhtamaha soomaaliya wuxuuna sheegay in Al Shabaab marka ay qabsato deegaano ay adagtahay sida looga xididda siibo.

“Al Shabaab dagaalka lagula jiro waa mid waqti badan qaatay guulo la taaban karana aan wali laga gaadhin, Waana koox meel walba oo dunida ah looga imaanayo, kii la yidhaahdo jannaad gelaysaa ee lacag keen wuu keenayaa, kii la yidhaado naftaada keen wuu keenayaa,midkii la dhaho tababar bixi wuu bixinayaa” ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa ku eedeeyay beesha caalamka in aanay dhaqaale wanaagsan siin dowladda Federaalka iyo Midowga Afrika ee dagaalka kula jira ururka Al-shabaab.

“Marka loo eego dhaqaalaha adduunku ku bixiyay la dagaalanka Argagaxisada soomaaliya nasiibkaasi ma helin oo waxaad mooddaa in laga gaabiyay” ayuu yidhi Ismaaciil Geelle.

Mar uu soo hadal qaaday dagaallada ay wadaan ururka Taliban ayuu walaac ka muujiyay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Xilligii ay Taalibaan qabsatay dalka Afgaanistaan, waxaa lagu daad gureeyay boqolaal kun oo ciidanka NATO ah, dhaqaale badanna waa la geliyay sidii wax looga qaban lahaa kooxdaasi Argagaxisada ah, balse xilligii lagu duulayay Afghanistan Taliban maanta ayay ka khatar badantahay kana awood badantahay “ayuu yidhi  ismaciil Cumar Geelle.

Jabuuti waxay kamid tahay wadamada kaalinta ku leh dagaalka ka dhanka ah jihaadiyiinta qaaradda Afrika iyo Yemen,Dowladda Mareykanka ayaa saldhig weyn ku leh Jabuuti waxaana saldhiggaasi ka haada diyaaradaha duqeymaha ka geysta Soomaaliya,Yemen iyo Liibiya.

Xukuumadda Jabuuti ayaa kumanaan askari u dirtay soomaaliya si ay ciidanka AMISOM uga gacan siiyaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Qurbejoog: Jibouti

Comments are closed