Madaxweynaha Iran Mr Rooxaani Oo Cadeeyay inaan la Aqbali Karin Go’doominta lagu hayo Qatar
Tehran 26. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Iran Xasan Rooxaani ayaa sheegay in aan la aqbali karayn culayska siyaasadeed ay xulufada Sucuudiga saareen dawlada Qadar. Qoraal lagu baahiyey website-ka madaxtooyada Iiraan ayaa lagu sheegay in dawlada Iiraan ay isha ku hayso wuxuu Sucuudigu ka samaynayo dalalka gacanka eek u doonayo inay keligii u taliyo.
Xasan Rooxaani ayaa khadka Tilifoonka kula hadlay madaxda dalka Qadar ayaa u sheegay inay dawlada Iiraan garabtaagan tahay dawlada Qadar, wixii kaga yimaada xulufada Sucuudigana ay diyaar u yihiin inay wax kala qabtaan.
Sidii ay hore u sheegeen madaxda Iiraan ayuu mar kale ku celiyey madaxweyne Rooxaani, waxaanu sheegay inay Qadar u fureen dhammaan xudduudaha ay leedahay dawlada Iiraan, sida cirka dhulka iyo baddaba.
Wuxuu sheegay haddii uu jiro wax is-fahan laan ahi in aanu xalku ku jirin in la is-cunaqabateeyo oo cuddud la isugu hanjabo, balse way jiraan waddooyin kale oo la maro oo xal fiican lagu gaadhi karo. Xafiiltanka u dhexeeya dawladaha Iiraan iyo Sucuudiga ayaa arrinta Qadar saameeyey, ka dib markii ay 13 qoddob ku soo dareen in Qadar ay hoos u dhigto xidhiidhka ay la leedahay dawlada Iiraan.