Madaxweynaha Faransiiska oo hadal ay layaabeen Muslimiinta dalkaa warbaahinta ka sheegay
Paris Mar 30,2012(SDN)-Madaxweynaha dalkaka Faransiiska Nicoli Zarkozy ayaa isbarbar dhigay weerar dhawaan uu qaaday Nin Muslim ah oo dalkaas u dhashay iyo weeraradii lagu qaaday Daarihii New York.
Hadalkan oo ku soo beegmay xili dalkaasi oo uu ka socdo olole doorashooyinka Madaxtinimada ayay Muslimiinta dalkaasi la yaab ku tilmaameen.
Nin Muslim ah ayaa dhawaan dalkaasi ku dilay ilaa todobo ruux oo Muslimiin iyo Yuhuud isugu jira,ciidamada ayaa ninkaana toogtay.
Shacabka Muslimka Faransiiska ayaa shaki ka muujiyay sababata ciidamadu u dileen ninkaasi oo ay u qaban waayeen.
Saxaafada reer Galbeedka ayaa hadalka Madaxweynaha Faransiiska ugu soo celcelineysa si la yaab leh.
Isku soo xooriyoo waxa muuqda in ka hadalka Islamka tiyoon lakala qaadin denbiileyaasha iyo shacabka ayaa iminka noqday wado loo maro dulmiga mujtamaca Muslimka ah ee Galbeedka ku nool.
SDN-Paris