|

Madaxweynaha Falastiin oo Ku adkaystay inuu sii wadayo Go’aankii uu Ku Joojiyey Xidhiidhkii Israa’il iyo Falastiin ka dhexeeyay

Quddus 27. July 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Falasdiiniyiinta Mr: Maxamuud Cabaas ayaa sheegay inuu sii wadayo go’aankiisa uu ku joojiyey xidhiidhka  Israa’iil, iyadoo ay Israa’iil ka qaadey qalabka wax lagu baadho ee ay hore ugu xidhay masaajidka barakaysan ee Al-aqsaa.

Israa’iil ayaa iyadu dhinaceeda ka sheegtay inay lagama marmaan ahayd inay qalabkaasi ku xidho masaajidka si looga hor tago in wax hub  ah lala soo galo masaajidka, hase ahaatee falasdiiniyiinta ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid ay Israa’iil uga dan leedahay inay kula wareegto masaajidka barakaysan ee Al-aqsa.

Labada dhinac ee Israa’iil iyo falasdiiniyiinta ayaa waxay cadadis kala kulmeen beesha caalamka oo doonaysa in xal laga gaadho xiisadda ka dhalatay Masaajidka Barakaysan ee Al-aqsa, iyadoo Ergeyga Qaramada midoobay u qaabilsan Bariga dhexena uu ku baaqay in la dejiyo xiisadda.

Comments are closed