|

Madaxweynaha dowladda Ruushka oo ka digay inay sii socdaan rabshada dalkaasi

Moscow Dec 22,2011(qurbejoog.com)-Madaxweynaha dowladda Ruushka Dmitry Medvedev ayaa sheegay in dowladdiisu aysan ogolaandoonin diiragalinta wax uu ugu yeeray Xagjirayaasha ka shaqeynaya in ay carqaladeeyaan Xasiloonida dalka  kuwaasi oo ku mar marsiyoonaya dhigista dibad baxyo ka dhan ah guushii uu Xisbiga Ruushka Midoobay ay ka gaareen Doorashooyinkii Barlamaniga ahaa ee dalkaasi ka dhacay.
 
Medvedev ayaa ka sheegay qudbad qaran oo uu maanta jeediyay in Raashiya ay u baahantahay Dumuquraadiyad balse aysan u baahneyn  Nidaam daro iyo Jahwareer, dowladduna ay si xoogan uga hortagi doonto  cadaadis kasta oo uga yimaada wadanaka dibaddiisa.
 
Medvedev ayaa sidoo kale xusay in xisbiga Kremlin uu xaq u lee yahay in uu wax ka sheego doorashooyinka balse aan looga baahneyn in uu kordhiyo hurinta rabshado wax u dhimaya ammaanka dalka Ruushka.
 
Hadalka Medvedev ayaa daba socda dibad baxyo xoogan oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay dalkaasi kuwaas oo looga soo horjeeday doorashooyinkii barlamaaniga ahaa ee 4-bishan December ka dhacay dalkaasi taasi oo Xisbiga Ruushka Midoobay uu ka soo hooyay guul ka yar intii la filayay.
 
Dibadbaxyaashii ugu badnaa oo gaaraya kumanaan ayaa iskugu soo baxay caasimadda dalkaasi ee Moscow kuwaas oo ahaaa dibad baxyadii ugu balaarnaa ee dalkaasi ka dhacay tan iyo 1991 markaas oo uu burburay Ururkii Midowga Sofiti.
 
Horayay ayay aheyd markii Ra’iisul wasaaraha dalka Ruushka ee Faladamir Butin uu ku eedeeyay dowladda Maraykanka inay faragalinayso dalkaasi, waxaana uu ugu baaqay Washington inay ka baaqsato hurinta rabshado wax u dhimi kara sumcadda dadweynaha Ruushka.
 

Qurbejoog-Moscow

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed