|

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya oo kusii jeeda magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya

Muqdisho April 19 2013 (SDN)— Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ku wajahan yahay wadanka Ethiopia halkaas oo uu kaga qayb galayo shir ay isugu imaanayaan wadamada Ethiopia, Somalia, Kenya iyo Jabuti.

Kulankaan ayaa wararku sheegayaan inuu qaban qaabqaabiyey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Madaxweynaha Jabuti oo garwadeen ka ah kulankaan ayaa xogaha laga helayo xusayaan inuu ku dhexdhexadinayo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Kenya iyo Ra’isal wasaaraha Ethiopia.

Xiriirka dowladaha Ethiopia iyo Kenya ay la leeyihiin dowlada Federaalka Somalia ayaa maraya heerkii ugu hooseeyey kadib markii labadaan wadan saluugeen siyaasada Madaxweyne Xasan Shiikh ee ku wajahan wadamada dariska ah.

Wadanka Kenya ayaa ciidamadooda ku sugan yihiin gudaha Somalia gaar ahaan gobolka Jubada Hoose halka dowlada Ethiopia dhowaan ciidamadooda kala baxdey qaar ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool.

Dowlada Kenya oo ciidamadoodu ku sugan yihiin magalada Kismayo ayaa tageersan shirka maamulka loogu dhisayo gobolada Jubooyinka halka ay ka biyo diidan tahay dowlada Federaalka ee uu  Xasan Shiikh ka yahay Madaxweynaha.

Dhinaca kale xiriirka Ethiopia iyo dowlada Federaalka ah ayaa wanaagsaneyn kadib markii gudoomiyahii hore ee Bay oo xiriir dhow la lahaa ciidamada shisheeye ee gobolka sugan la badaley kuwaasoo deganadaas ka qabsadey xoogaga Al-Shabaab.

Wadanka Ethiopia ayaa dhinaca kale ka biyo diidan xiriirka sii kordhaya ee u dhexeeya dalka Masar oo ay ka arrimiyaan ururka Akhwaanul Muslimiin iyo koox diimeedka Damul Jadiid kuwaasoo awood siyaasdeed ku leh  dowlada Xasan Shiikh.

Si kastaba ha ahaatee kulankaan ayaa la filayaa inuu diirada saaro sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Uhuru Kenyata oo dhowaan la doortey, Ra’isal wasaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha DFS kuwaasoo aan ku faraxsaneyn siyaasada Xasan Shiikh ee ku wajahan wadamada dariska la ah Somalia kuwaasoo qayb libaax ka qaatey dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

SDN-Muqdisho 

Comments are closed