Madaxweynaha Djibouti Oo Waraaqihii Aqoonsiga Ka Gudoomay Afar Safiir Oo Ka Socda Wadamo Afrikaan Ah
Djibouti –– Madaxweynaha Jamhuuriyada Djabouti ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay afar safiir oo cusub oo ka kala socda dalalka Ethiopia, Togo, Australia iyo Comores.
Madaxweynaha jamhuuriyada Djaobuti ayaa ugu horayntii waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay safiirka dalka Ethiopia Shamebo Fitamo Adebo kaas oo uu ku qaabilay xarunta qasriga madaxtooyada oo Djabouti, waxaanay isla qaateen in xidhiidhka labada dal la adkeeyo isla markaana laga sii horu mariyo meesha uu hada taagan yahay.
Sidoo kale madaxweynaha jamhuuriyada Djabouti waxa uu waraaqihii aqoonsiga ka gudoomay safiirka wadanka Togo u qaabilsanaan doona Djabouti Nolaki Ekpao, safiirka dalka cusub ee Comores Assoumani Youssouf ayaa iyaguna ka mid ahaa safiirada madaxweynaha Djabouti ka gudoomay waraaqihii aqoonsiga, waxaanay dhamaanba safiirada ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhada saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Djabouti iyo wadamadaasi.