|

Madaxweynaha Djibouti Oo Ku Dhawaaqay Inay Ciidan Dheeraad ah Diri Doonaan Somalia

Djibouti:28-Dec-2013 (SDN)-Iyadoo uu kor u kacayo Dagaalka ay ciidanka Djibouti ku hayaan  Kooxaha Al-shabaab ee Somalia ka Dagaalama,  ayuu mar Kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sheegay inuu ciidan dheeraad u diri doono.

geli Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidamadaas ay ka ambabixi doonaan dalka Jabuuti laba ama Saddexda toddobaad ee soo socota.

Wuxuu sheegay oo kale madaxweynuhu in uu socdo qorshe ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti oo la doonayo ururka Al-Shabaab in looga saaro degmada Buula-Burde oo hoos-tagta Gobalka Hiiraan.

Madaxweynaha Jabuuti mar la weydiiyay sida uu u arko in lagu cidhibtiro Al-Shabaab oo khatar ku ah gobalka, wuxuu sheegay in kaliye loo baab’in karo kooxdaas siddii loola dagaalami lahaa.

Wuxuu sheegay oo kale, kooxdaas in aanay diyaar u ahayn wadahadal, sidaa darteedna waddada kaliya ee Bannaani ay tahay in dagaal aan kala Hadh lahayn lala Galo.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in uu aaminsan yahay haddii la qalabeeyo ciidamada Soomaaliya in ay ku filan yihiin dagaalka lagula jirro Al-Shabaab.

Dalka Djibouti ayaa ciidan badani ka joogaa dalka Somalia, waxana uu madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu Diyaar u yahay sidii ciidamo kale oo dheeraad ah uu u geyn lahaa Somalia.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed