|

Madaxweynaha Dib Loo Dhaariyey ee Iran oo Ururka Xisbulaah iyo Mileteriga Lubnaan amaan u Soo Jeediyey

Tehran 07. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dib loo caleemo saaray ee Dalka Iran Xasan Rooxaani ayaa sheegay in Milateriga Dalka Lubnaan iyo Dagaalyahanada Xisbulaahi inay yihiin kuwa ilaaliya amniga guud ee Wadankaasi, sidaana waxa uu Madaxweynaha Iran ka sheegay Munaasabad uu ku qaabilay Gudoomiyaha Baarlamaanka Lubnaan Nabiix Barri oo booqasho ku jooga Magaalada Tehran.

Madaxweynaha Iran waxa uu ku bogaadiyey Dalka lubnaan wada noolaansha Shiicada iyo sunniyiinta dalkaasi oo ay sii weheliyaan dadka  masiixiyiinta ahi, isagoo ku tilmaamay dal calaamad u ah wada noolaanshaha guud ee bulshada caalamka.

Madaxweynaha Iran iyo Gudoomiyaha baarlamaanka ee Dalka Lubnaan waxay si wadajir ah werwer uga muujiyeen colaadaha iyo kala qaybinta siyaasadeed ee ka taagan xiligan wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

Comments are closed