Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia oo Muqdisho ku soo laabtay kadib markii uu ka qayb galay Xuska 99 Guurada Aasaaska Turkiga
Muqdisho 30.October 2013 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ku laabtay magaalada Muqdisho kaddib safar hal maalin qaatay oo uu ku tagay dalka Turkiga.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmay madaxweynaha iyo raysul wasaaraha Turkiga, sidoo kalena uu khudbad ka jeediyay xaflad lagu maamuusayay sanad-guurada 90-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay Jamhuuriyadda Turkiga.
Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu madaxda Turkiga kala hadlay sii adkaynta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo muujinta sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Turkiga la garab taagan yahay Soomaaliya.
Wuxuu ku dhiirri-geliyay dowladda Turkiga inay sii waddo caawimadda ay siiso Soomaaliya. Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga ay sheegtay inay ka go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com