|

Madaxweynaha Dalka Sudan Oo Ka Qeyb Galaaya Shirka Qaramada Midoobey Ee New York

Khartuum,5Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa lagu wadaa in dhamaadka bisha September uu khudbad ka jeediyo shirka sanadlaha ah Qaramada Midoobey ee ka dhici doona magaalada New York.

Kuxigeenka Ergeyga Sudan u fadhiya Qaramada Midoobey Hamid Hassan ayaa sheegay in Madaxweyne Al-Bashiir uu ka qeyb geli doono fadhiga Golaha guud ee loo dhan yahay Qaramada Midoobey, isagoo la kulmi doona qaar ka mid ah Madaxda Caalamka.

 Cumar-Xasan-Al-Bashiir

Shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa ajandayaasha looga hadli doono waxaa ka mid ah sida loo hormari karo adduunka 15-ka sano ee soo socota. Khudbada Madaxweynaha Sudan ayaa ku qorsheysan 26-ka Bisha September, sida uu mar kale xaqiijiyay Kuxigeenka Ergeyga Sudan u fadhiya Qaramada Midoobey.

 

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Sudan Ali al-Sadiq ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan ku saabsan in Madaxweyne Al-Bashiir u socdaalayo New York, si uu khudbad uga jeediyo Fadhiga Qaramada Midoobey.

 

Sidoo kale waaxda Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa iyana ka hadlin wali warka ku saabsan booqashada Madaxweynaha Sudan uu qorsheynayo in bisha soo socota uu ku tago New York. Al-Bashiir ayaa waxaa ay dacwad ka taalaa Maxkamad caalamiga ah ee Hague, isagoo loo heysta dambiyo ka dhan ah Bani’aadanimada.

 

Madaxweynaha Sudan Omar Al-Bashiir ayaa doonayay sanadkii 2013 inuu khudbad ka jeediyo Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, hase ahaatee waxaa loo diiday Fiisaha dal ku galka ah ee Mareykanka.

Comments are closed