|

Madaxweynaha dalka Mareykanka ee Wakhtigiisu Gabaabsiga Yahay oo ku hanjabay in Talaabo cad ka qaadi doonaan Dowlada Ruushka

Washington 18. December 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dalka Mareykanka Brack Obama ayaa ku hanjabay in Dowlada Ruushka ay ka qaadi doonaan talaabooyin ay uga aargudanayaan faragalin uu sheegay in ay ku sameeyeen Doorashadii dalka ka dhacday.

Obama ayaa ku eedeeyay in Dowlada Ruushka ay kusoo qaadeen Weeraro dhinaca Internetka si ay wax uga badalaan dimuquraadiyada dalka Mareykanka iyo waliba natiijada doorashadii dhacday uu ku guuleestay Donald Trump.

Waxa uu cadeeyay Madaxweyne Obama oo la hadlay Idaacada National Public Radio in talaabada ay ka qaadayaan dowlada Ruushka ay noqon doonto mid muuqata ay dadku arki karaan iyo kuwa kale oo qarsoodi ah.

Dowlada Mareykanka iyo laamaha Sirdoonka dalkaasi ayaa aaminsan in Dowlada Ruushka faro galin toos ah ku sameesay doorashadii dhacday, waxa ayna tilmamaeen in Madaxweynaha Ruushka uu si toos ah arintaasi ugu kug lahaa uuna maamulayay burcadii dhaca Internetka geesatay..

 

Bracak Obama ayaa sheegay in sababta dowlada Ruushka ay faragalinta ugu sameesay doorashadii dhacday ay tahay sidii ay garab u siin laheed Donal Trump, waxa uu kale sheegay in Ruushku doonayo in dagaal la galaan dimuquraadiyada ka jirta Mareykanka.

Dowlada Ruushka ayaa iska diiday dhamaan eedeemaha kaga yimid dowlada Mareykanka, waxa ayna sheegeen in wax faragalin ah aysan ku sameyn doorashada Mareykanka sidoo kale aysan ku lug laheyn dhaca dhinaca Internetka ee loo geestay ololihii Hillary Clinton.

Comments are closed