|

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Obama Oo Ka Hadlay Sagaalkii Qof Ee La Dilay

obamaWashington,2oct,2015(QJ/SDN)-Obama ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay rasaas dad badan lagu furay inay noqotay wax caadi ah Maraykanka, kadib markii lagu dilay Koleej sagaal qof gobolka Oregon.

Ninka hubaysan ayaa sidoo kale ku dhaawacay toddobo qof Umpqua Community College, oo ku taal Roseburg intaan boliisku dilin.

Mr Obama ayaa sheegay Amerikaanka inay noqdeen dareen la’aan dhacdooyinkan oo kale, wuxuuna ku baaqay inay waydiistaan xakamaynta hubka.

Isagoo ay caro ka muuqato, wuxuu dhahay dadka Maraykanka waa inay ka fikiraan siday dowladdooda ay u badali lahayd sharciga ayna u badbaadin lahayd nolosha dadka.

Comments are closed