|

Madaxweynaha dalka Kenya oo Isku shaandhayn Kooban ku sameeyay Laamaha Amaanka iyo Wasiiradiisa

Nairobi:April,18,2015(SDN/QJ)-Isku-shaandhayn kooban, ayuu Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata ku sameeyey Hoggaanka Taliska Ciidanka qaranka Kenya iyo Golaha Wasiirradaba, kadib markii ay dhawaan Dhaceen Xasuuqii magaalada Garisa loogu geystay Ardaydii wax baranaysay.

uhuruUgu horrayn waxa uu Madaxweyne taliye cusub u magacaabay ciidanka militariga Kenya(KDF) kadib markii uu hawlgab noqday taliyihii hore ee ciidanka KDF Gen.Julius Karangi.

Madaxweynaha ayaa Samsom J. Mwathethe u magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka qalabka sida waxaa sidoo kale loo dalac siiyay darajada General halka awel hore uu ka ahaa laba-xiddigle

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu taliye kuxigeenka ciidanka KDF u magacaabay Lt-Gen.Joseph Kasaon.

Dhanka kale wuxuu madaxweynuhu isku shaandhayn kooban ku sameeyay qaar kamid ah golahiisa wasiirada.

Eugene Wamalwa waxaa loo magacaabay wasiirka wasaarada Biyaha iyo waraabka Monica Juma waxaa loo magacaabay xoghaynta golaha Wasiirada

Major-Gen Gordon Kihalangwa waxaa loo magacaabay xoghayaha guud ee wasaarada arimaha gudaha iyo amniga.

Nzioka Waita waxaa loo magacaabay xoghaynta mid kamid ah waaxaha madaxtooyada.

Comments are closed