Madaxweynaha Dalka K/afrika Oo La Hadlay Ajaanibta Dalkiisa lagu dhibaataynayo
Capetown:April,19,2015(SDN/QJ)-Kadib dhibaatooyin halis geliyey nafta malaayiin ajaanib ku nool waddanka K/ afrika, ayaa waxa jawaabtii ugu horraysay Ajaanibtaas siiyey Madaxweyne Jacob Zuma oo muujiyey sida uu arrintaas uga xun yahay.
Zuma waxa uu booqday xero qaxooti oo ay ku jiraan in ka badan 1000 shaqaale ajaaniib ah oo soo cararay, kaddib markii ay dhaceen rabshado mowjada ah oo looga soo horjeedo ajaaniibta, waana uu la hadlay.
Waxa uu raali galin ka bixiyay weerarada, kuwaas oo bilowday laba sibuuc ka hor, waloow ay ku oriyeen dad kale oo halkaa joogay, iyaga oo ku eedeeynaya in uu ka gaabiyay sidii arrintan wax looga qaban lahaa.
Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay rabshadahan, oo ay sababeen kooxo hubaysan oo bartilmaameedsanayay dukaamada ay leeyihiin dadka ajaaniibta ah, waxaana dadka deegaanka ay ku eedeeyeen ajaaniibta in ay la wareegayaan shaqooyinkoodii.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com