|

Madaxweynaha Dalka Fenesweela oo Canbaarayn Xoogan u Jeediyey Dhigiisa Dalka Maraykanka & Tilmaan uu ku Sifeeyay Shakhsiyadiisa

Venezuela 02. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Venezuela Mr: Maduuro ayaa dhaleecayn xoogan u soo jeediyey dawlada maraykanka gaar ahaan madaxweynaha dalkaasi Mr: Donald Trump, isagoo ku tilmaamay in uu ku sifoobay karaahi iyo nacayb uu u hayo Bani-aadamka.

Mr: Maduuro waxa uu intaasi ku daray in dawladiisu marnaba aanay aqbalayn fikirka ku dhisan Imbiraaliyada ee inta badan ka soo yeedha Mr: Trump, taas oo uu isu qaatay in uu ka taliyo Venezuela, isla markaana ku eedeeyey maamulkiisa in  ay ka dambeeyaan xasilooni daro kasta oo ka jirta  Venezuela.

 

Hadalkan ka soo yeedhay Mr: Maduuro waxa uu ka dambeeyey markii dawlada maraykanku cuna qabatayn shakhsi ah ku soo rogtay isaga iyo saraakiil kale, isla markaana xanibaadna saartay hantida dibada u taala.

Comments are closed