|

Madaxweynaha dalka Ecuador oo Mar sadaxaad ku guuleysatay hogaaminta dalkaasi

Quito Feb 18 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Ecuador Rafael Correa ayaa markii Sadaax dib loogu doortay in uu sii hogaamiyo dalkaasi kaddib doorashooyin balaaran oo ka dhacay dalkaasi. 

Rafael Correa, Madaxweynaha dalka Ecuador ayaa helay 50% codadkii ay dhiibteen intii codkooda ka dhiibatay doorashadii Madaxtinimada dalkaasi waxaana la sheegay in Ninkii sida weyn ulala loolamayay uu qirtay guudarada.

Natiijada kaddib ayaaa Madaxweyne Rafael Correa waxa uu taageerayaashiisa kula hadlay Magaalada Quito ee Caasimada dalkaasi isagoo ku baaqay Afarsano oo kacdoon kale ah. 

Inkastoo Madaxweynaha hada dib loo doortay lagu Amaanayo in dalka uu xasiliyay hadana waxaa jira dhaliilo dhanka siyaasadiisa ah oo loo jeedinayo.

SDN-Quito

Comments are closed