Madaxweynaha Cusub ee Somalia oo Markii Kowaad Isagoon Xilka La Wareegin Booqda Xarunta Vila Somalia & Wixii uu Ku arkay DAAWO
Muqdisho 12. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa markii ugu horeesay isaga oo Madaxweyne ah waxa uu booqasho ku tagay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee dhawaan lagu wado in uu dego kuna shaqeeyo.
Farmaajo iyo xubno kale oo la socday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynhii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna kusoo wareejiyay Madaxweynaha cusub qeybo kamid ah Villa Soomaaliya.
Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto munaasabad balaaran oo xilka ay kula kala wareegayaan Labada Madaxweyne , waxaana Munaasabada xil wareejinta iyo mida Caleemo saarka lagu martiqaaday madax kala duwan oo caalamka ka socota.