Madaxweynaha Cusub ee Somalia Farmaajo oo Kulan Xasaasi ah Villa Somalia Kula Yeeshay Madaxweynaha Talada ka sii Degaya Xasan Shiikh & Gudoomiyaha Aqalka Hoose Mr. Jawaari & Dulucda Dardaaran la isu Jeediyey
Muqdisho 16. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la doortay ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa mar kale madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay madaxweynaha xilka ka degaya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wad hadleen xaaladda uu dalka marayo iyo fursadaha dowladda cusub heysato.
Kulanka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajiyo iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxay uga hadleen xaaladda dalka ku sugan yahay, muhiimadda dowladda cusub iyo fursadaha hor yaalla xiligan.
Kulanka waxaa ku soo biiray guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa warbixin ka siiyey madaxweynaha dalka Farmaajo howlaha xafiiska madaxweynaha uu dalka u soo qabtay iyo dedaalladii lagu guuleystay afartii sanno ee u dambeysay, waxaa uu intaa raaciyey in dowladda cusub ay heysato fursad dalka ay ku nabaddeyn karto, kuna gaarsiin karto hiigsiga 2021-ka si dimoqoraadiyad leh, kulankaasina waxaa uu ka dhacay xafiiska madaxweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud mudadii uu dalka soo hoggaaminayey, guulihii la gaaray iyo horumarka dowladnimada Soomaaliya ku lataabsatay, waxa uu sheegay in dowladdiisa cusub ay ku sii dari doonto dedaal dheeri ah, isla markaana ay ka shaqeyn doonto Soomaaliya oo wadajirta in ay guuleysato.
Kulanka inta uu socdey waxaa la isku soo qaadey munaasabadda xil wareejinta & sida loo diyaariyey iyo dhammeystirkeeda.
Madaxweynaha dalka, Madaxweynihii hore iyo guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa sidoo kale wada qaatay kulan qado ah oo lagu soo dhoweynayey Madaxweynaha cusub, kaasoo ka dhacay Villa Soomaaliya, iyadoo ay joogeen howlwadeennada kala duwan ee masuuliyiintan.