Madaxweynaha Cusub ee Shiinaha oo ku baaqay in wax laga qabto dhaaqaalo xumida ka taagan Caalamka
Bijin March 17 2013 (SDN)– Madaxweynaha Cusub ee dalka Shiinaha, Shiin Jinping ayaa sheegay in ay la dagaalmi doonaan Mashaakilaadka Adag ee ka taagan Qarada Aasiya, islamarkaana dhaqaalo koboc la sameyoo sanada soo aadan.
Shiin Jinping oo ka hadlayay dhamaadkii Kulanka sanad laha ah ee ay yeeshaan Wafduuda Mataleysa Xisbiga hogaamiya dalkaasi ayaa waxa uu u sheegay dadka Shiinaha iyo Aduunyada oo dhan in Shiinuhu uusan ku jirn dagaal ganacsi balse uu wado loolan ku aadan hormarinta ganacsiga Aduunka.
Madaxweynaha Cusub ee Shiinaha ayaa waxaa kale uu tilmaamay in wadamada gobolka looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan saaxiibtinimada iyo iska kaashiga si loo helo dhaqaalo adag oo uu caalamku ku tiirsanaado.
Shiin Jinping ayaa dalka Shiinaha Madaxweyne ka sii ahaandoona Muddo 10-sano ee soo aadan.