Madaxweynaha Burundi Oo Markale Ku Guulaystay Doorashadii Dalkaasi Ka Dhacday.
Bujumbura,24july,21015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza oo tan iyo sannadkii 2006-dii xukumayay dalka Burundi ayaa la shaaciyay maanta inuu mar kale ku guuleystay doorashadii madaxweynenimo ee dhawaan dhacday; taasoo ay Qalalaasooyin uu dhiig ku daatay oo ay hormuud ka ahaayeen xisbiyada mucaaradka ah iyo ururrada bulshada rayidka ahi hareeyeen.
Guddiga Doorashooyinka dalka Burundi ayaa goor-dhow shaaciyay in Pierre Nkuruziza uu ku Guuleystay Doorashada, Taasoo ka Dhigaysa inuu mar Saddexaad uu Qabto Hoggaanka Burundi.
Pierre Claver Ndayicariye oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dalka Burundi ayaa war-fidiyeenka ugu sheegay Bujumbura in madaxweyne Nkurunziza uu ku guuleystay codad gaaraya 69.41% codadkii la qaaday Talaadadii lasoo dhaafay.
Murashaxii la tartamayay Nkurunziza ayaa oo lagu magacaabo, Agathon Rwasa ayaa isna la sheegay inuu helay codad gaaraya 18.99%. iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada uu sheegay in Pierre Nkurunziza uu guuleystay.
Nkurunziza ayaa go’aansaday bishii Abriil ee Sannadkan in Doorashada Madaxnimo ee Dalkiisa uu ka Qayb-geli doono, Taasoo kicisay carada Kooxaha ka soo horjeeda, iyadoo Burundi uu cagata la galay tan iyo xilligaas Rabshadihii ugu Xumaa ee Dalkaas ka dhaca tan iyo markii uu ka baxay dagaalladii sokeeye sannadkii 2005-tii.
Axsaabta mucaaradka Burundi ayaa sheegay in Nkurunziza uu sharciga u yaalla dalkaas ku tuntay. Iyadoo dalalka reer galbeedka iyo hoggaamiyahaasha Afrika ay doorashadan kasoo horjeesteen.
Dhanka kale, Hoggaamiyaha I-sbahaysiga Mucaaradka dalka Burundi ayaa maalin ka hor Nkurunziza ugu baaqay inuu Wadahadallo la furo Axsaabta Siyaasadda ee kasoo horjeeda, lana dhiso xukuumad wadaag ah, taasoo ay Sheegeen inay tahay tan keliya ee dalku uu uga gudbi karo dagaal sokeeye oo mar kale ka Qarxa.
Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada dalka Burundi ayaa iyaguna Reuters u sheegay in madaxweynuhu uusan diidanayn inuu dhiso xukuumad ay asxaabta mucaaradka dalkaas ka dhex-muuqdaan.
“Qaar ka mid ah shacabka waxay ku fikirayaan in Dowlad midnimo Qaran ah oo la dhiso aan xal deg-deg ah looga gaari karin dhibaatooyinka Burundi ka taagan, laakiinse waa in qof walba uu ogaado inaysan ahayn in xalku uu muddo dheer qaadanayo,” ayuu yiri Haru Mutasa.
Ugu dambeyn, Burundi ayaa Waxaa ka Barakacay kumannaan qof oo baqdin ka qaba inay dagaallo sokeeye ka dhacaan dalkaas, iyadoo tan iyo markii rabshadu ka billowday dalkaas lagu dilay in ku dhow boqol qof oo shacab iyo askar isugu jira.