|

Madaxweynaha Bolivia oo dalkiisa ka manuucay inay Yuhuuddu ku galaan Baasaabboorka Israa’iil

Sucre, 25November, 2015-(SDN/QJ):-  Madaxweynaha waddanka Bolivia Evo Morales, ayaa ku dhawaaqay toddobaadkii hore in Israa’iil ay tahay dalka argaggixiso ah oo dhibaato kawadda marinka Gaza ee dhulka Reer Falastiin.

evo-morales-portadaMorales ayaa xusay in wixii hadda ka dambeeyey ay dadka Israa’iiliyiinta ah ee booqanaya Bolivia looga baahan yahay inay fiiso dalbadaan, isgaoo xusay in la jabiyay heshiis 1972-kii ay wada-galeen Israa’iil iyo Madaxweynihii hore ee Bolivia, kaasoo dhigayay inay fiiso la’aan geli karaan Yuhuuddu dalka Bolivia.
Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Bolivia ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay u aqoonsan doonaan Israa’iil waddamada qaybta saddexaad ku jira, taasoo uu ku sheegay macnaheeda in Waaxda socdaalka dalkaas ay dib-u-eegis ku sameyn doonaan codsiyada Fiisaha lagu dalbanayo ee ka imanaya Israa’iil.
“Haddii hadalka si kale loo dhigo, waxaan odhan karnaa Israa’iil waa waddan argaggixiso ah.” ayuu yidhi Madaxweyaha Bolivia Morales, isagoo intaas ku daray; “Israa’iil ma ixtiraamto shuruucda Qaramada Midoobay u degsan iyo sidoo kale Baaqyada caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha.”
Madaxweyne Evo Morales, ayaa raacay Jidkii Madaxweynihii hore ee Venezuela Hugo Chavez’s, kaasoo xidhiidhka u jaray Israa’iil sannadkii 2009-kii, isagoo ku eedeeyay inay Shacabka Falastiin ku hayaan Xasuuq. Waddamada ku yaalla Koonfurta Ameerika, ayaa waxay ka mid tahay kuwa ay inta badan booqdaan hacabka Israa’iiliyiinta ah, gaar ahaan dhallinyarada oo u taga waddamadaas Dalxiisyo kala duwan.
Inta badan dalalka ku yaalla Koonfurta Ameerika, ayaa u yeerdha Safiirrada ka jooga Israa’iil, iyagoo sheegaya inay kasoo horjeedaan dagaallada Marinka Gaza iyo Xasuuqa Yuhuuddu ku hayso Muslimiinta Falastiin, waxaana dalalkaas ka mid ah Brazil, Chile, Ecuador iyo Peru.

Comments are closed