“Madaxweynaha Ayaa Leh Awooda Shir Qaran, Xisbiyaduna Waa Siyaasad Xisbi” Wasiir Cabdi Aw- Daahir
Hargaysa 22.July 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Shaqadda iyo arimaha Bulshadda Dr. Cabdi Aw Daahir,ayaa naqdiyay baaqa maucaaradka ee ah in layskugu yimaado talo-qaran oo loo dhan yahay,maadama ay dib-u-dhac ku yimid Doorashooyinkii Dalka ka dhici lahaa sanadkan,iyaga oo dhinaca kalena Xukuumadda iyo Xisbigeedaba ku eedeeyay inay Xisbiyadda Mucaaradka ah kaga baxeen Heshiiskii ay wada galeen.
Dr. Cabdi Aw daahir,ayaa sheegay in ciddda kali ah ee Awoodda u leh inay shir qaran qabtaa tahay Madaxweynne Siilanyo,balse ay Xisbiyaddu xaq u leeyihin oo kali ah inay qabtaan shirar Xisbi.
Wasiirka ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda FACEBOOK-ga,waxaana uu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sida tan:“Madaxweynaha aya leh Awoodda Shir qaran, talo qaran , siyaasad qaran. Xisbiyadu waa siyaasad xisbi , shir Xisbi, arrin Xisbi oo keli ah”.