Madaxweynaha Afganistan oo Shaaciyey In Dawladiisu Wada Hadal la furayso Ururka Daalibaan & Hay’adda Xuquuqda Aadamaha oo Baaq u dirtay Dalalka Midowga Yurub
Kabul 06. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Afgaanistaan Mr Ashraf Gaani ayaa ku dhawaaqay in Xukuumadiisu Diyaar u tahay inay wada hadal la yeelato Ururka Daalibaan Iyadoo diirada la saarayo Arimaha Siyaasada.
Mr Ashraf Gaani waxaa uu intaasi ku daray in dalkiisu ku jiray Dagaal 16,sano oo u dhaxeeyay Dalibanka, Isaga oo xusay in aan Dagaal dhinacna ku gaadhin Guul Xasilooni ku jirto, taas oo loo baahan yahay wada hadal Caqligu talinayo.
Geesta kale Hay’ada ilaalinta Xuquuqda aadama u qaabilsan Qaramada midoobay ayaa ugu Baaqday dawladaha Midawga Yurub in ay joojiyaan Dadka ay dib ugu celinayaan Afgaanistaan ee kasoo Qaxay markii la Diiday Codsigooda, iyadoo ay jirto in dalkaasi kasocdo Dagaalo dad badan oo Shicib ahi ay ku dhimanayaan.