Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay sannad-guuradii Kowaad ee UNSOM
Muqdisho June 04, 2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta maamuusay sanad-guuradii koobaad ee ka soo wareegtay shaqada Erada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), wuxuuna guddoomay oggolaanshaha idan ee uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu cusbooneysiiyey UNSOM sanad kale.
Madaxweynuhu waxa uu amaanay shaqada Qaramada Midoobay iyo hoggaaminta Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Soomaaliya(SRSG), Nicholas Kay,isaga oo yiri, “ Qaramada Midoobay waxa ay mar kasta saaxiib wanaagsan oo nagala shaqeynaya sidii aan u dhalin laheyn Soomaaliya oo xasilan islamarkaana taabba-gasha. Waxa aan qiimo weyn u heynaa kaalinta UNSOMee isuduwidda howlaha kala duwan ee waxtarka Qaramada Midoobay ee isugu jira : gaarsiinta gargaarka bani-aadamnimo ee naf-badbaadinta; gacan-siinta dhisidda hey’adaha nabad-galyada iyo cadaaladda; horumarinta ajandaha xuquuqul-insaanka; taageeridda tillaabooyinka aan ku dhiseynno hab-maamuleedka maaliyadda guud oo xooggan oo hufan; iyo garab-istaagga Higsiga 2016 lagu dhisayo Qaran Federaal ah, Dastuurka iyo gaarsiin doorashooyin guud sanadka 2016.”
Madaxweynuhu waxa uu tibaaxay in Dowladda Federaalku ay dejisay Ajende han-weyn ee ku aaddan wax-qabadka sanadka 2014, waxaa uuna sidoo kale xusuusiyey xasillooni siyaasadeed iyo in dhammaan lawada-shaqeeyo iyad oo ay muhiim tahay in dhinac kasta uu qabto shaqada loo igmaday si loo gaaro guul.
“Waxa aan qiimo weyn u heynaa taageerada socota ee Qaramada Midoobay iy saaxiibadeenna kale ee caalamiga ah ee fulinaya qeybtooda ku aaddan wadaagga-horumarineed. Waxa aan niyad-wanaag ku sugeynaa sii socoshada wada-shaqeynta Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud iyo waliba UNSOM si ay u suura-gasho u sii-dhawaansha gaaridda rabitaankeenna guud ee nabad iyo barwaaqa ka dhalata Soomaaliya,”ayuu Madaxweynuhu ku soo gaba-gabeeyey.