MADAXWENAHA: Cayaaruhu Waxay Gacan ka Geystaan Dib u Heshiisiinta iyo is-dhexgalka
Muqdisho,28,7,2016 (QJ/SDN) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Qabsoomidda Cayaarihii Maamul-goboleedyada dalka ee dhawaan lagu soo Gaba-gabeeyay Muqdisho ay muujinayaan horumarka laga gaarey dib u heshiisiinta, nabadda iyo is-dhexgalka bulshada.
Xasan Shiikh ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad casho-sharaf ahayd oo xalay xarunta gobolka Banaadir loogu sameeyay dhammaan cayaartoydii ka qeybgashey ciyaarihii dowlad goboleedyada ee Muqdisho ka dhacay.
“Cayaarahaan dhawaan lasoo Gaba-gabeeyay, waxay ahaayeen kuwo ka Yarjumaya Qiimaha Nabadda iyo is-dhexgalka bulshada. Cadowga argagixisada waxay isku dayeen maalintii ciyaarahan lasoo gaba-gabeynayey inay shacabka cabsi ku abuuraan iyagoo geystey weerar waxashnimo, balse taasi inagama hor istaagin inaan hawsheena sii wadano. Dalkeena horey ayuu u sii socdaa, dibna u laaban mayno, waana inuu sidaa ogaadaa cadowga’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyntii kula dar-daarmey cayaartoyda ka kala yimid maamul-goboleedyada kala duwan ee ka qayb-galay tartanka inay fariin nabadeed gaarsiiyaan goobaha ay ka kala yimaadeen, isagoo sidoo kalena u hambalyeeyay kooxihii guulaha ka soo hoyey tartankan.
Ugu dambeyntii, Munaasabaddaan Waxaa ka soo Qayb-galay xubno ka tirsan labada gole, Xubno ka Socotey maamul-goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin kale.