|

Madaxweeynaha Soomaaliya oo dowladda Kenya uga tacsiyeeyay qasaarihii shalay gaadhay ciidamadooda

xasan sheekhKismaayo,16jan,2016(QJ/SDN)-Madaxweeynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Max’uud oo xalay ka qeybgalay bandhig faneed xalay lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dowladda Kenya uu uga tacsiyeeynayo qasaarihii ciidamadooda kasoo gaaray weerarkii shalay ay Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deeganaka Ceelcade.

Al-shabaab ayaa weerar isugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah ku qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcade, ayadoo Al-shabaab ay sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay 60 kamid ah ciidamada Kenya, walow saraakiil u hadashay dowladda Kenya ay arintaasi beeniyeen.

“Waan uga tacsiyeeynayaa dowladda Kenya, iyo ehellada askartii ay wax kasoo gaareen weerarkii shalay, waan ka xunnahay waana la qeybsaneeynaa murugada, waxaana ognahay in wiilashooda ay halkan howl muhiim ah ka hayaan, waana xusuusan doonnaa,” ayuu madaxweeynaha hadalkiisii raaciyay.

Madaxweeyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al-shabaab ay yihiin cadowga keliya ee ay umadda Soomaaliyeed leedahay waa siduu hadalka u dhigaye, isagoo intaa ku daray in ay xoojin doonaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Hadalkan Madaxweeynaha ayaa kusoo beegmaya ayadoo madaxweeynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu shalay sheegay in Al-shabaab ay weerarkii shalay ku dishay tiro kamid ah ciidamadooda.

Comments are closed