“Madaxwayne; Yaan Lagaa Waayin” Qoraal dhinacyo badan leh oo Cali Guray qoray
Hargaysa 10.April 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha JSl hadal waxa ugu dambeeyay ” waxa iga go’an in aan dalka ka qabto doorasho xor ah oo xalaal ah”. Marka hore waxan leeyahay ha samaato oo ha la helo. Marka xiga Madaxwaynaha waxa ehel u ah cid kasta oo ku taageersan kuna hawlan sidii ay dalka uga suurtogeli lahayd doorasho xor iyo xalaal ahi. Waxa u cadow ah cid kasta oo muxaafid ama mucaarid ah oo ka soo horjeeda inay doorasho xor iyo xalaal ahi ka qabsoonto dalka wakhtigii loogu talogalay. Hadaba waxa is waydiin leh waa ayo cidda la jirta Madaxwaynaha waa ayose cidda ka soo horjeeda rabitaanka Madaxwaynaha een doonayn doorasho xor ah oo xalaal ah?
Khilaafka UCID ayaa si fiican u iftiiminaya inay jiraan kudlad muxaafid iyo mucaaridba leh oo u tafo xaydan inay hadalkii Madaxwaynaha ka dhigaan hal bacaad lagu lisay iyo hadal tiro aan wax ka soo qaad lahayn. Hadii ay run ka tahay Madaxwaynaha inay ka go’antahay doorasho xor ah oo xalaal ihi waxaynu ka garan lahayn marka ugu horaysa Musharaxa uu taageersan yahay ee cid walba uu uga hiiliyay ee u tartamaya jagada Madaxwaynaha hadii Alleh yidhaa doorashada bisha March 2017ka.
Sida ay dad badani arkayaan Musharaxa Kulmiye wuxu dhigtay istaraatajiyad kuligeedba qalad ah oo ka horimanaysa hadalkii Madaxwaynaha iyo in musharixiinta kale uu la galo tartan xor ah oo xalaal ah ilaa uu gaadhay heer uu dafiro in Musharaxa jagada Madaxwaynaha ee UCID uu yahay Jamaal Cali Xuseen si caddna u tibaaxay inu yahay Faysal Cali Xuseen uu weliba ku booriyay inu markan isagu ku guulaysan doono uguna duceeyay laakiin hilmaamsan in ilaahay qalbi jire yahay oo uu ogyahay waxa afka uu ka leeyahay iyo waxa uurkiisa uu ku haysto oo aynu qiyaasi karno in aanay is lahayn.
Musharaxa Kulmiye sida ka muuqata farogelinta uu ku hayo xisbiyada kale wuxu ku hamiyayaa in labda xisbi ee kaleba uu gudahooda ka burburiyo isaga oo adeegsanaya awooda dawladda iyo hantida dadwaynaha si uu keligii u noqdo musharaxa Madaxwaynaha cid kale oo la tartami kartaana aanay jirin ama musharixiin uu isagu dhigtay waxna ay isku ogyihiin noqdaan kuwa la tartamaya. Bal day musharaxnimadiisa iyo musharaxnimada Jamaal teeba la odhan karaa waa xalaal. Ta Jamaal waxaynu wada ognahay in Golaha Dhexe ee UCID oo dhami isku raacay wax khilaaf ahina ka dhicin cid diidayna aanay jirin xubin keliyana ha noqoto eh.
Lakiin musharaxa Kulmiye waynu ognahay wixii ka dhacay Golaha Dhexe ee Kulmiye. Waxa ku burburtay xukuumadii Kulmiye iyo Xisbigii Kulmiye. Hadaba caqliga fayoobi ma qaadan karo musharixii sida xalaasha ah ee xorta ah ku soo baxayna in musharaxnimadiisa la isku dayo in madmadow la geliyo kii si aan xor iyo xalaal midna ahayn ku soo baxay ee dirqi iyo tu xun lagu soo saarayna musharaxninadiisa cambaarta leh sidi muldhukh laga dhigo.
Si kastaba xaalku ha ahaado eh UCID waa lagu soo duulay cidda ku soo duushay iyo halka lagaga soo duulayba si fiican ayaa loo wada garanayaa. Markaa inta danaynaysa mustaqbalka UCID ee ah xisbi yahanka runta ah iyo intii ehel u ah dimuqraadiyadda iyo tartanka xisbiyada ee xalaasha ah waxay heegan inay ka badbaadiyaan xisbigooda shirqoolka loo qoolay ee la doonayo in lagu burburiyo:
Ugu dambaystii waa run in Madaxwaynuhu sida uu balanqaaday ay dantiisa iyo danta ummadiisaba tahay in uu dalka ka qabto doorasho xor iyo xalaal ah laakiin taasi maaha wax sahal hadii marka hore aanu gacanta ku qaban inta isaga ugu dhaw iyo Musharaxa uu taageersan yahay ee xisbigiisa. Waayo ka jirto cid kale oo cadow ku ah ama ku noqon karta ama burin karta balan qaadka madaxwaynaha oo hadii uu fulo ugu filan waanaag laga dhaxlo oo beri ka maalin marka uu xilka ka dego lagu xasuusan karo.