“Madaxwayne Siilaanyo Wuu ku Degdegay Xil ka qaadista Wasiir Baashe..” Shacabka Ceerigaabo
Ceerigaabo 08. December 2016 (SDN/QJ):- Qaar ka mida shacabka magaalada Ceerigaabo ayaa ka dareen celiyay xilka qaadistii madaxwayne Siilaanyo ku sameeyay wasiirka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac.
Dadweynaha Ceerigaabo waxaa ay casilaadaasi wasiir Baashe ku tilmaameen mid uu ku degdegay madaxwaynaha Somaliland kuwaasi oo ku tilmaamay wasiirkii ugu fiicnaa ee gobolada bariga kasoo jeeda ee soo mara xukuumadda madaxwayne Siilaanyo.
“Wasiir Baashe Cali Jaamac waxaa uu ahaa ninkii dawladnimada Somaliland na baray ee Gobolada bariga ka hirgaliyay in diwaan-galinta laga sameeyo waxaa lagu casilay waa khalad, Madaxwaynuhuna waa uu ku degdegay arrinkaas”ayuu yidhi Mid ka mida dadka Reer Ceerigaabo oo ka hadlay isku shaandheyntii madaxwayne Siilaanyo.
Shacabku waxaa kale oo ay sheegeen in Baashe Cali Jaamac yahay siyaasi ka mida siyaasiyiinta ay arrimaha bariga ka go’aan isla-markaana ay ka xumaadeen casilaaddaasi Madaxwaynuhu ku sameeyay, maaddaama bay yidhaahdeen ay is qabteen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda.
“Ninkaas waa nin wayn oo siyaasi ah, may ahayn in xilka laga qaado iyadoo ay wasiiro is hayaan oo cabasho qaba, arrinkaasi waxaa uu noqday mid u cuntami waayay dadka reer Ceerigaabo”ayuu yidhi Odey isna ra’yigiisa ka dhiibtay isku shaandheyntaas.