|

Madaxwayne Siilaanyo Oo Meel Mariyay Kaabis Iyo Wax Ka Bedelna Ku Sameeyay Xeerka Codbixiyeyaasha Doorashooyinka.Somaliland

qqqqq

Hargeisa Dec/24/2014(SDN/QJ)Madaxwaynaha Jamhuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo Waxa Uu Maanta Xeer Madaxwayne Ku Meel Maraiyay Dhaqan Galka Kaabis Iyo Wax Ka Bedel Lagu Sameeyay Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

Sidaasi Ayaa Lagu Sheegay War Murtiyeed Ka Soo Baxay Aqalka Madaxtooyadda Jamhuriyadda Somaliland, Waxana Uu U Dhignaa.

War-Saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Waxa Uu Xeer Madaxweyne Oo Sumadiisu Tahay Jsl/M/Wm/240-2867/122014 Ku Meelmariyey, Dhaqan-Galka Wax-Ka-Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad Ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad Ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. Gw/G/Kf-27642/2014 Ee

Ku Taariikhaysan 06/12/2014 Ee Ay Ku Ansixiyeen Wax-Ka-Bedelka

Iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

Xeer Lr. 37/2007

Wuxuu Soo Saaray

Xeerkan Oo Lagu Baahinayo Dhaqan-Galka Wax-Ka-Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

Allaa Mahad Leh

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-Hayeenka Madaxtooyada Jsl.

Comments are closed